Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku dhawaaqday in diblumaasi Itoobiyaan ah aan looga baahnayn dalka in u sii joogo, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay hawlo aan ahayn doorkiisa diblomaasiyadeed, waxaana lagu amartay ka baxo Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa tallaabadaan adag ku sheegtay in ay ku ilaalineyso danaha qaranka si ay u adkayso heerarka diblumaasiyadeed ee caalamiga ah, madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah.
Sarkaalkan loo jaray warqada bixidda ah ayaa Wasaaraddu magaciisa ku sheegtay Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye 2-aad ee Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya, kaasi oo sida hadalka loo dhigay in lagu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed, jebinayane heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed ee 1961-kii, gaar ahaan Qodobbada 41-aad iyo 42-aad oo faraya diblumaasiyiintu in ay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha.
“Cali Maxamed Aadan waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan” ayaa lgu yiri warqada ka soo baxday Wasaaradda.
Ugu dambeyn wasaaradda ayaa carrabowday in ay talabaadan marag u tahay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay sida warka loo yiri “ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda madax-bannaanideeda qaranka”.
Go’aankan ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa noqday mid kii ugu horeyey ee ay u adeegsato sarkaal Itoobiyaan tan iyo sidii uu u bilowday khilaafka labada dal ka dhexeeyey iyo heerka uu gaaray oo ah meeshii ugu adkeyd.
HBN ONLINE TV