Dowladda Soomaaliya dambi ka dhigtay cidii diida bixinta canshuurta 5%

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha Bangiyadda Soomaaliyeed ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa waxaana ganacsatadda uu ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta ku “waajibtay”.

Waxaa uu ku tilmaamay danbi in lacagta shanshuurta dowladda aanan lagu bixi karin meelaan sax aheyn, isaga qasab ka dhigay in labadii gacan oo is dhaafeysa (wax kala gadeysa) ay waajib ku tahay in ay noqoto mid marchent ah si ay u baxdo shanshuurta dowladda ee boqolkiiba shan.

“Waa dambi qofkii lagu qabtana ciqaabuu muteysanayaa, qaanuun dalka u yaala ayuu jabihaa, ma furi kartid, ma bedeli kartid, marchent (ganacsi) meelaan aheyn lacag kuma qaba kartid” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Sheekh.

Madaxaweynaha ayaa yiri “ogow adeege ayaad tahay cashuurta iibka waxa laga rabaa waa qofka Soomaaliyeed ee wax gadanaya ha isku dayin in khiyaanto waa dambi”.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale uga mahadceliyey bangiyadda iyo shirkadaha Isgaarsiinta bixinta cashuuraha oo ay door muhiim ah ka qaateen,Madaxweynaha ayaa ku baaqay in ganacsatada kalena ku daydaan oo fududeeye u noqdaan cashuur bixiyeyaasha.

Soomaaliya ayaa bishii 18-kii bishii Agoosto qaybo ka mid ah ka dhaqan galisay qaaditaanka lacagta canshuurta ah ee boqolkiiba shan, taasi oo diidmo badan ay kala kulantay ganacsatada, wallow goordambe ay xal laga gaaray.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed