Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howgal ka sameeyeen deegaano dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool waxa ay ku dileen 25 ka mid ah Al-shabaab, kuwaas oo isku diyaarinayey howgallo iyo abaabul xooggan, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.
Howlgalkaas waxaa sidoo kale lagu dilay 5 kamid ah Ajaanib ka tirsaneed Al-shabaab, kuwaas oo qaabilsanaa gobolka Bakool.
Gudoomiyaha degmada Waajib Maxamed Macalin yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay dhimashada xubnahaas ka tirsanaa Al-shabaab khawaarijta oo ay ku jiraan ajaanibta.
Dhanka kale dowladdu waxaa ay xustay in dhaawacyo ay gaarsiiyeen dagaal yahanno ka tirsan Al-shabaab markii uu dhacayay howgalkaan.
Saraakiisha ayaa sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgaladaan ka dhanka ah Al-shabaab.
HBN NEWS DESK