Dowladda Shiinaha oo war ka soo saartay sii deynta Markab kalluumeysi oo Soomaaliya lagu heystay

Dowladda Shiinaha Safaaradeeda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay in la sii daayey Markab kalluumeysi oo laga lahaa dalkeeda, kaasi oo bishi Novembar ee sanadkii tagay lagu afduubtay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Markabka oo la sheegay inay saarnayeen 18 shaqaale ah ayaa lagu guuleystay in la sii daayo dhamaatood iyagoo nabad qaba, sida ay sheegtay Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya.

“Dowladda Shiinaha waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun oo khatar galiyay badqabka shaqaalaha iyo amniga maraakiibta caalamiga ah, waxayna sii wadi doontaa inay si adag u difaacdo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta Shiinaha iyo shirkadahooda ku sugan dibadda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya.

Markabkaan iyo Shaqaalaha saarnaa ee la sii daayay maanta ayaa maalmahii ugu dambeeyay la sheegay in lagu haayey aaga degmada Xaafuun ee Puntland, waxaana sii deynta markabkaan ay imaaneysa iyadoo ay horay u dalbadeen Burcad badeedda madax furasho dhan $10 milyan.

Si dhab ah looma oga in dowladda Shiinaha ay bixisay lacagta madax furashada ah oo ay ka dalbadeen burcad badeed iyo in kale.

Soomaaliya ayaa waxaa mudo sanado badan horay u aafeeyay falal burcad badeednimo, waxaana xiligii ugu sii darnaa uu ahaa sanadkii 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ka badan 160 weerar oo burcad badeednimo ah in laga diiwaan geliyay xeebaha Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed