Dowladda Kenya oo lagu amray in magdhow siiso qoysaska dadkii lagu dilay weerarkii jaamacadda Garissa

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dowladda Kenya ku amartay inay bixiso lacag dhan 441 milyan oo shilin oo magdhow ah. Lacagtan ayaa la siinaya qoysaska 147 qof oo arday u badnaa oo oo ku dhintay weerarkii sanadkii 2015-kii lala eegtay jaamacadda magaalada Garissa.

Waxaa go’aankan maanta soo saaray guddi ka koobnaa saddex garsoorayaal.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in dowladda ay bixiso magdhow dhan 56.9 milyan oo shillin oo la siinaya dadkii saameyntii maskaxeed ee ka soo gaartay weerarkaasi iyo qarashaadkii caafimaad ee uga baxay daaweynta dhaawacyada.

Qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaasi ayaa midkiiba maxkamadda amartay in la siiyo 3 milyan oo shilin, halka kuwa badbaaday la siiyo lacag magdhow ah oo qiimaheeda kala duwan yahay.

Ardaydii weerarkaasi lagu dhaawacay iyo waalidiintooda ayaa maxkamadda geeyay dacwad ay ku sheegayaan in saraakiisha dowladda ay xilli hore heleen macluumaadka sirdoonka balse ay ku guul dareysteen in ay falkaasi ka hor tagaan. Waxaa weerarkaasi lagu dilay 147 qof oo arday u badnaa.

Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii maxkamadda la geeyay dacwadda lagu dalbanaya magdhowga .

Waxyaabaha ay ardaydan ku doodayaan waxaa ka mid ah in xilligaasi si sharci darro ah loo howlgeliyay ciidamada difaaca. Dowladda ayaa dhankeeda ku jawaabtay in aynan helin xog sirdoon oo gaar ah oo lagu tallaba qaadi karay.

148 ayaa lagu dilay jaamacadda Gaarisa. 3 bishii April 2015, afar nin oo hubaysan ayaa weerar ku qaaday jaamacadda Garissa ,iyaga oo si an kala sooc lahayn dadka u tooganayaay.

Ragga weerarka geystay ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanayay dadka Masiixiyiinta ka dib markii ay gudaha dhismahaa u soo galeen.

Ugu dambayntii, waxaa halkaasi lagu dilay 148 qof -oo intooda badan ay ardey ahaa.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed