Dowladda Federaalka oo ku dhawaaqday dhismaha c garoonka diyaaradeed oo cusub soona bandhigtay sababaha keenay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu dhisayo garoonka diyaaradeed magaalada Muqdisho, kaasi oo looga gol leeyahay in lagu yareeyo ciriiriga xooggan ee ka jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee hadda. Waxaa sidaasi ku dhawaaqay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin Xasan.

Garoonkan cusub ayaa lagu wadaa in laga dhiso deegaanka Ceel-macaan, waxaana go’aankan uu salka ku hayaa baahida loo qabo in la dajiyo xaaladda duulimaadyada gudaha iyo dibadda ee sii kordhaya. “Magaalada Muqdisho waxay yeelan doontaa garoon diyaaradeed cusub oo laga heli karo adeegyada ay u baahan yihiin nooc kasta oo diyaaradeed oo isaga kala goosha dalka iyo dibadda. Dhulkaas waanu qiimaynay oo waa dhul ku haboon in laga hirgaliyo dhismaha madaarka waxaanu soo gunaanaday sahan ka socday. Muddo shan sanno ah ayaanu qiimaynaynay jawiga garoonka cusub,” ayuu yiri Axmed Macallin Xasan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku dhuftay in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde uu ka mid yahay kuwa ugu mashquulka badan Caalamka, islamarkaana ay ka duulaan Duullimaadyp badan maalin kasta. Gaadiidkan aadka u badan ayaa keenay baahida loo qabo garoon diyaaradeed labaad si loo hubiyo habsami u socodka hawlaha iyo adeega wanaagsan ee rakaabka iyo diyaaradaha.

Garoonka cusub ee Ceel-macaan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka dhimo culeyska ka jira garoonka Aadan Cadde, isagoo fududeynaya arrimaha dhanka socdaalka iyo in si hufan loo maareeyo duulimaadyada.

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa shantii sano ee la soo dhaafay waday sahan iyo qiimeyn ballaaran oo lagu ogaanayo goobta ugu habboon iyo xaaladda garoonka cusub. Goobta la doortay ee Ceel-macaan ayaa buuxisay dhammaan shuruudaha lagama maarmaanka u ah, iyadoo la hubinayo in ay noqon doonto mid istiraatiiji ah oo faa’iido u leh kaabayaasha Muqdisho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed