Dowladd Soomaliya oo cambaareysay dilkii Huggaamiyihii Xamaas

War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in si kulul loo cambaareynayo dilka Ismaaciil Haniyeh, oo ahaa madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, kaas oo lagu dilay magaalada Tehran, waxayna tacsi tiiraanyo leh u dirtay shacabka Falastiin iyo guud ahaan shacabka dalkaasi.

Dilka Marxuum Ismaaciil Haniya ayaa ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan waxaana dowladda Soomaaliya ku tilmaantay falkaasi mid ka baxsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dilkaasi dhalin karo isku dhacyo hubaysan oo ka bilowday gobolka Bariga dhexe.

“Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, taasoo ka dhalin karta isku dhac ballaaran oo hubeysan bariga dhexe” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Waxaan ku adkeysaneynaa baahida loo qabo in bulshada caalamku qaaddo mas’uuliyadooda oo ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah si loo joojiyo weerarka Israa’iil ee Gaza iyo xadgudubyada ay ku hayso sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay”.

Hogaamiyahii dhanka Siyaasadda ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya ayaa lagu lagu dilay Tehran, aroornimadi hore ee Arbacada sida ay baahisay wakaaladda Wararka Iiraan.

Dilka Haniyah ayaa yimid wax ka yar 24 saacadood ka dib markii saddex qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah la dilay,74 kalena lagu dhaawacay weerar ay Israa’iil ka geysatay Beirut ee dalka Lubnaan.

Israa’iil ayaa ugu yaraan 39,400 oo qof ku dishay duulaanka Gaza , iyadoo ay ku dhaawacmeen 90,996 qof, kuwaas oo u badan Caruur iyo haween.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed