Dowladaha Turkiga iyo Masar oo cambaareyey Qaraxii dadka badan ku dhinteen Muqdisho

Dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa si kulal u cambaareeyay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Hoteelka Beach View ee ku yaalla Xeebta Liido.

War-saxaafadeed ka sii baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Masar ayaa waxaa tacsi loogu diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Masar waxaa ay aad uga xun tahay weerarkaasi bahalnimada ah, waxaan ehellada dadkii ku dhintay falkan argagaxa leh u rajeyneynaa Samir, waxaan intii ku dhaawacantay u rajeynaynaa inay si degdeg ah u bogsadaan” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Masar.

Dhinaca kale, Dowladda Turkiga ayaa muujisay sida ay uga xun tahay weerarka ka dhacay xeebta Liido, kaasoo galaaftay nolosha tobaneeyo qof.

“Waxaan aad uga xunnahay khasaaraha nafeed iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Sida oo kale, dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilligan adag.

Weerarka ka dhacay Hoteelka Beach View, booliiska waxaa ay sheegeen in ay ku geeriyoodeen 32 qof, halka tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed