Wasiirka arimaha Dibedda XFS Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay wararka sheegay in Soomaaliya u ogolaatay Itoobiya inay siisay marin ay ku gasho Badda-Cas ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalada wareegaya suuqa.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta hufnaanta arrimaha qaranka, isaga oo si cad u beeninayey in Itoobiya loo ogolaaday inay gasho badda cas.
“Waxaan si cad u beeninayaa sheegashada ah in Itoobiya loo ogolaaday marin badda cas. Sheegashooyinkan aan sal iyo raadka lahayn ayaa ka maqan wax aasaas ah. Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta hufnaanta arrimaha qaranka” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Soomaaliya iyo Itoobiya oo shirka uga socdo Addis Ababa ayaa sheegay in dhinacyadu si hordhac isku fahmeen ilaalinta xiriirka labada dal ka dhexeeya, iyada oo badi waxyaabaha kulanku quseeyo ay yihiin qaabka ay si ganacsi xukuumadda Addis Ababa ay biyaha Soomaaliya ku soo gali karto.
HBN ONLINE TV