Dooda biri xildhibaanada oo arimo xasaasi ah looga hadli doono

Kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ah kalfadhiga shanaad kulankiisa lixaad ayaa Waxaa biri oo Isniin ah 22-ka July 2024 la faliyaa in uu ka qabsoomo xarunta villa hargeysa, kaasi oo waxyaabaha looga doodi doono ay ka mid yihiin mooshin ay soo gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaano ka tirsan golaha oo guddoonka golaha u gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan Hubka sharci darada ah, dagaalada sokeeye iyo dhowrista xasaanada Xildhibaanada waxaa saxiixeyey 18-Xildhibaan ayaa ka mid ah qodobada si aadka ah loo lafa guri doono.

Sidoo kale, Xildhibaanadda ayaa waxaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo awaamiiro kala duwan ka soo saartay arinkan ayaa sheegtay in lagu daba jiro dadkii dalka soo galiyey hubka sharci darada ah,halka ay mamnuuc ka dhigtay in dalka dhexdiisa aanan wax hub ah la isku dhaafsan karin iibkiisa, waxaana ay mamnuucday suuqii hubka ee “Cir toogte”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed