Doland Trumo oo Iiraan u hanjabay – Maxayse tahay sababtu?

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Shirkada Microsoft ay u sheegtay in mid ka mid ah website-ka olalihiisa doorashada ay jabsadeen koox burcadda Internet-ka ah oo lagu xiriirnayo dawlada Iiraan, arinkaasi oo xukuumada Tehran si adag ay u beenisay.

Trump waxa uu carabka ku adkeeyay in “Iran aysan joojin doonin ficillada caynkaasi ah,” sida hadalka uu u dhigay, waxaana uu ku tilmaamay in taasi ay sabab u tahay wax uu ugu yeeray daciifnimada iyo wax qabad la’aanta maamulka Mareykanka ee hadda jira, laakiin wuxuu farta ku fiiqay in arrintan “aysan sii socon doonin muddo dheer,”.

Ololaha musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in la jabsaday qaar ka mid ah isgaarsiintooda gudaha, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Iran inay mas’uul ka tahay.

Sheegashadan ayaa timid ka dib markii shabkada wararka ee Politico ee Mareykanka laga leeyahay ay sheegtay inay email-ka ka hesho akoon qarsoodi ah oo ay ku jiraan dukumiintiyo laga xaday ololihii Trump, oo ay ku jiraan warbixin ku saabsan “Nuglaanshaha suurtagalka ah” ee musharaxa madaxweyne ku xigeenka J.D. Vance.

Ololaha Trump ayaa ku eedeeyay jabsiga waxa ay ugu yeereen ilo shisheeye ah oo ka soo horjeeda Mareykanka, iyagoo soo xiganaya warbixin ay soo saartay Microsoft toddobaadkan oo ah in burcadd Iran ka soo jeeda ay bishii June email been abuur ah u direen sarkaal sare oo ka tirsan ololaha doorashada madaxtinimo ee Mareykanka balse shirkadu ma aysan sheegin cidda sida gaark ah loo beegsaday in ay yihiin kooxda olalaha Trump ama Kamala Harris , iyadoo aan la sheegin ololaha shirkadu ka hadlaysay.

Afhayeen u hadlay Shirkada Microsoft ayaa diiday in uu magacaabo kooxda la beegsaday ama uu bixiyo tafaasiil dheeri ah kadib markii warbixinta la daabacay.

Afhayeenka ol’olaha Trump Stephen Cheung ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Dukumentiyadan waxaa si sharci darro ah looga helay ilo shisheeye ah oo ka soo horjeeda Maraykanka, ujeedaduna tahay in la farageliyo doorashada 2024-ka iyo burburinta inta lagu guda jiro geedi socodka dimoqraadiyadayada”.

Afhayeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday in waaa sida hadalka uu u dhigaye “Iraniyiintu ogyihiin in madaxweyne Trump uu ka horimaan doono xukunkooda argagixisanimo sidii uu sameeyay afartii sano ee hore ee uu Aqalka Cad joogay”.

Dhinaca kale ergada Iran u jooga xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa sheegay inay beeniyeen eedeymaha sheegaya in Tehran ay jabsatay boggaga Internet-ka ee ololihii doorashada ee musharaxa madaxweyne Donald Trump.

Ergadu waxay tibaaxeen in Iran aysan lahayn ujeedo ay ku farageliso doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Xidhiidhka u dhexeeya madaxweynihii hore ee Maraykanka Trump iyo Iran ayaa ahaa mid aad u xun intii uu madaxweynaha ahaa, iyadoo Maraykanku dilay taliyihii ciidamada Qudus ee Iran Jeneral Qasem Soleimani 2022, sidoo kale Washington waxay ka baxday heshiiskii Nukliyeerka ee Tehran.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed