Dhul-Gariir Ka Dhacay Dalka Ecuador oo Lagu Hoobtay.

Muqdisho (Hbnonlinetv)- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhul-gariir Culus oo ka dhacay dalka Ecuador, Waxana ka dhashay Khasaaro iskugu jiro dhimasho, dhaawacyo, iyo bur-bur xooggan oo soo gaaray goobaha uu ka dhacay.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 400 oo kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.7 uu ku dhuftay xeebaha koonfureed ee dalka Ecuador maanta sida ay ku warameen warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa caalamka.

Dhismayaal ku yaal magaalooyin dhowr ah ayaa gabi ahaanba dhulka galay, taas ka dhigan awoodda dhul-gariirka iyo baaxadiisa.

Gobolka koonfureed ee El Oro, ayaa ah kan ugu daran, waxaana ku dhintay 12 qof, sida ay laga soo xigtay Saraakiisha gobolka kuwaas arrintaan ka hadlay.

Waqooyiga dalka Peru ayaa laga dareemay dhulgariirka, iyadoo gabar 14 jir ah ay ku dhimatay Tumbes, oo ku taal xuduudka markii gurigeeda uu dumay.

Madaxweynaha Ecuador Guillemo Lasso ayaa     Sheegay in ah ka xun yihiin khaasaraha soo gaaray dalkiisa, waxaa uuna tacsi u diray dadkii dhintay, halka kuwii dhaacamay uu u rajeeyay Caafimaad.

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed