Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 18 dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dhibaateysnaa dalalka deriska la ah waddanka Algeria halkaa oo ay kala soo kulmeen tacadiyo kala duwan oo magagafayaal madaxfurasho ugu heysteen.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Algeria Cabdiwahaab Maxamed oo ka warbixiyey tilaabadan ayaa sheegay in ay dhallinyaradaan ku soo rafaadeen dalalka deriska la ah Algeria sida Maali, Liibiya iyo Tunusia, isaga oo soo noqoshadooda waalidiin qaar wax ka qabeen, ilaa goor dambe ay oggolaadeen sida halka uu u dhigay.
Safiirka ayaa intaas ku daray in ay wadaan dedaallo dib loogu soo celinaayo dhallinyarada qaar ee ku rafaadsan Algeria iyo dalalka u dhow oo Liibiya ka mid ka tahay, isaga oo ku boorriyay in dhallinyada ku dhibaateysan ee jooga nawaaxiga dalka Algeria ay la soo xiriiraan Safaaradda Soomaaliya.
Safiir Cadbiwahaab ayaa yiri “kuwa kale ee Algeria jooga laba kooxood kale ayaa ku soo xiga, kuwa waa la diyaarinay, kuwa waa diyaarsan yihiin, kuwa kale ee ku rafaadsan Algeria iyo nawaaxigeed waxaan leeyahay la soo xiriira Safaaaradda, waa la idin adeegaa”.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay dhallinyarada Soomaalida ah ee tahriibay dalka dib ugu soo celineyso, iyada oo horay sidaan oo kale dhallinyaro Soomaaliyeed dalka dib ugu soo celisay oo uu ugu dambeyey wiil dhakhtar ahaa oo libiya lagu heystay.
HBN ONLINE TV