Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo magaalada Garbahaarey sheegay inuu kawado oloaha doorashada qof iyo cod ayaa ku eedeeyey Axmed Madoobe cadaalad darro iyo weerarka ciidamada qaranka.
Wasiir Fartaag ayaa sheegay in Gedo uu dayacay sida uu hadalka u dhigay Axmed Madoobe oo uu ku eedeyey lunsiga wax kasta oo qeyb ahaan ugu soo aadi jiray deeqaha.
Waxaa uu ku eedeyey madaxweynaha Jubbaland in uu aadi karay magaalada Jamaame oo kismaayo oo jirta 60-km haddii uu doonayey dagaal waxgal ah, balse uu ka doortay sida uu hadalka u dhigay in ku dhawaad 300-km uu ku weeraray ciidamada qaranka oo lagu wareejiyey farisiin ATMIS ka bexeen.
Axmed Madoobe ayuu sheegay in uusan weligii ka shaqeynin sida warka u dhigay wax dan u ah dalka. Ciidamada meesha dowladda geysay ayuu sheegay in wax duulan ah aysan ku aheyn magaalada Kismaayo.
Sida oo kale, waxaa carrabka uu ku dhuftay in sababta ciidamada dowladda uga jawaabi waayeen weerarkii 11-kii bishaan December ee Raas-Kambooni dhacay ay aheyd in wax amar u qabin.
“Axmed Maxamed Islaam magaalada uu joogo waa Kismaayo 60-KM bay u jirtaa Jamaame, weligiis dagaal muusan u aadin, 300-km ciidan joogo oo calanka Jamhuuriyadda watuu yiri haka baxaan, 15 bari ayuu u qabtay” ayuu yiri wasiir Fartaag.
Weli wax jawaab ah kama bixin Jubbaland eedaan kaga timid wasiirka amniga Soomaaliya oo tan iyo bilowgii todobaadkan ku sugan.
HBN ONLINE TV