Weerar ku bilowday Qarax ayna daba socoto rasaas ayaa ka socota xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
Wararka hordhaca ah ee aan heleyno ayaa xaqiijinaya in rasaastu ay ka socoto gudaha Hotelada ku yaalla xeebta Liido,Goobjoogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in qof uu isku qarxiyey Hotelka Beach View gaar ahaan dhanka xeebta,rag hubeysan ayaana ka dhax dagaalamaya hotelkaas.
Dhimasho iyo Dhaawac ayaa jira lamana oga inta uu le’egyahay maadaama wali rasaas ay socoto.
Muuqaalo kala duwan oo lagu baahiyey baraha Bulshada ayaa muujinaya dad dhaawac ah oo gaari gacan lagu sido iyo qaar badan xeebta daadsan oo xaaladooda laga warheyn xaalkooda.
Gaarida gurmadka degdegga ah ayaa goobta tagay iyaga oo bilaabay samata bixinta dadka dhaawacyada ah.
Sida oo kale ciidamada Dowladda ee gaarka ah ayaa goobta iyagune tagay si weerarka kooxda wada uga hortagaan, ugana soo badbaadiyaan dad halkaa ku xaniban.
10 daqiiqo ka hor qarax xeebta muuqaalo laga soo duubayay ayaa muujinayey dhalinyaro badan oo xeebta camiray.
Xeebta Liido oo ah goob mashquul badan ayaa waxaa xilliyada basiinada ee Jimcuhu ay ka mid tahay u damaashaad taga dad fara badan.
Inala soco HBN ONLINE TV