Deegaano cusub oo lagala wareegay Alshabaab Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawisleyda ayaa goordhow  la sheegay in Alshabaab ay kala wareegeen gacan ku heynta laba deegaan oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sida sida laga soo xigtay masuuliyiinta huggaamineysa howgalka halkaasi ka dhacay.

Deegaanada kala ah Buurweyn iyo Show ee gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in saaka waaberigii hore howlgal gaar ah oo ay iska kaashadeen CXD iyo kuwa Macawisleyda ku qabteen, waxaana Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo ka mid ah Saraakiisha iyo masuuliyiinta howlgalka hoggaaminaya uu intaa ku daray in howgalku uu sii soco doono”.

Warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka degaanka ayaa Goordhaw Alshabaab kala wareegay Deegaannada kala ah Buurweyn iyo Show oo ka tirsan Gobolka Hiiraan”

Laba maalin ka hor, Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa xoogaga macawisleyda ayaa sheegay in ay burburiyeen fariisimo dhowr ah oo ay ku lahaayeen duleedka degmada Buula-burte kooxda Alshabaab, iyada oo   si gaar ah u beegsaday degaano ka tirsan Beera Yabaal oo dhanka waqooyi kaga beegan deg. Buula Burte degmada ee gobolka Hiiraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed