Dagaalo culus oo ka socda Khartuumo & dhawr magaalo ka mid ah dalka Sudan.

Iska horimaadyo u dhaxeeya ciidamada Sudan iyo ciidamada Gurmadka Deg Dega ah ee (RSF) ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Khartoum iyo meelo kale oo dalkaasi ka tirsan.

Ilo wareedyo maxalli ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Sudan ay si is daba joog ah u duqeeyeen subaxnimadii Talaadada fariisimaha ciidamada Gurmadka Deg Dega ay ku leeyihiin bariga gobolka Niil ee bariga caasimadda.

Ilo wareedka ayaa sidoo kale sheegay in la maqlay qaraxyo xooggan oo ay wehliyeen dhawaqa hubka fudud iyo midka culus, oo ka dhacaya xaafado ku dhow dhow meydadka gaashaaman ee ciidanka Suudaan, ee koonfurta magaalada Khartuum.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadyo rabshado wata ay ka dhaceyn meel u dhow magaalada Al Junaynah ee xarunta gobolka Galbeedka Darfur, dagaalkaasi oo u dhaxeeya ciidamada isku dhafka ah ee dhaq-dhaqaaqa halganka hubaysan oo taageeraya ciidamada Sudan iyo xoogaga Gurmadka Deg Dega ah, waana markii ugu horeysay tan iyo markii ay ciidamadaasi la wareegeen gacan ku haynta deegaanka bishii Noofambar 2023 oo dagaaladu ay halkaasi ka dhacaan.

Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isku dhafka ah, Axmed Xuseen Mustafa oo u waramay telefishinka Al Jazeera, ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka ah ee galbeedka Darfur ay u suurtagashay in ay waddada ka gooyaan kolonyo ay wateen ciidamada Gurmadka Deg Dega ah oo ka koobnaa 70 gaadiidka dagaalka ah, kuwaas oo ku sii jeeday deegaanka Kulbus oo u dhow magaalada Al Junaynah.

Ciidamada RSF-ta waxaa soo gaaray khasaare xooggan oo isugu jira agabka dagaalka & ciidamada, waxaana ciidamada Sudan ay qabsadeen tiro gaadiid dagaal ah, sida uu sheegay Afhayeenku.

Dhanka kale, iska-horimaadyo hubeysan ayaa weli ka socda magaalada Ceel-Fasher ee xarunta gobolka Waqooyiga Darfur, waxaana ay u dhaxeeyaan ciidamada Sudan, & ciidamada isku dhafka ah iyo iska caabinta shacabka oo dhinac ah, iyo ciidamada Gurmadka ah oo dhinaca kale ku sugan koonfurta iyo bariga magaalada.

Magaalada ayaa sidoo kale laga dareemay dhaq dhaqaaq dhanka cirka ah, iyadoo diyaarado dagaal ay saaka duqeymo xoogan ku garaaceen fariisimaha Ciidamada Gurmadka degdega ah ay ku leeyihiin Bariga Magaalada.

Afhayeen u hadlay ciidamada isku dhafka ah oo la hadlay Aljazeera Net ayaa sheegay in ciidamo gurmad deg deg ah ay caawa fiidkii gudaha u galeen Ceel-Fasher iyagoo wata gaadiid dagaal, balse ciidamada qalabka sida iyo kuwa isku dhafka ah ee dhaq dhaqaaqa halganka hubaysan ay u suurtagashay in ay ka hor tagaan. waxaana loo geystay khasaare baaxad leh, sida uu sheegay afhayeenku.

Ciidamada Taagerada Degdegga ah oo ka soo kala baxay Bari iyo Konfur ayuu sheegay in ay la kulmeen Khasaaro xooggan, taasi oo ku qasabtay in ay isaga baxaan Magaalada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed