Dagaallo culu soo ka socda dhowr magaalo oo ku yaal dalka Sudan

Wararka ka imaanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in dhowr magaalo oo dalkaasi ka tirsan ay ka socdaan dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidanka milatariga iyo Xoogagga Gurmakda Degdega ah iyadoo la isku adeegsanayo hub culus, gaar ahaan diyaaradaha dagaalka iyo madaafiicda la hago, waxaana dagaallada xooggoodu ay ka socdaan magaalooyinka Ceel Fasher, Khartuum, iyo Gobolka Jezira.

Ilo milatari ayaa u sheegay warbaahinta in duqeymo culus oo dhanka cirka ah oo ay qaadeen ciidanka cirka ee Suudaan lagu bartilmaameedsaday goobaha Xoogagga Gurmaka Degdega ah ee Khartuum. Ilo wareedka ayaa sheegay in duqeynta ay ku wajahneyd koonfurta Khartuum, gaar ahaan agagaarka xarunta degaanka ee Saria, taas oo keentay khasaarooyin waaweyn sida lagu sheegay warbixinta.

Diyaarad dagaal ayaa sidoo kale duqeysay goobaha Xoogagga Gurmadka Degdega ah ee xaafadda Al-Ezba, waqooyi-bari ee Bahri. Waxaa xigay duqeymo madaafiic oo ay ciidanku ku rideen goobaha xoogagga RSF ee Bahri, halkaas oo dagaallo joogto ah ay ka socdaan.

Ciidanka ayaa isku dayaya inay jebiyaan go’doominta laga haysto Taliska Guud, halka Xoogagga Gurmadka Degdega ah ay si weyn u difaacayaan goobahooda waqooyi ee Taliska Guud, iyagoo isticmaalaya miinooyin iyo dabinnada si ay u joojiyaan horusocodka ciidanka.
Dhinaca kale, diyaarad drone ah oo ay leeyihiin xoogagga RSF ah ayaa duqeysay saldhigga hawlgalka ee ciidanka Suudaan ee Hattab, taas oo keentay dhaawacyo, sida ay sheegeen ilo milatari.

Bartamaha dalka, gobolka Jezira waxaa ka socda dagaallo joogto ah oo u dhaxeeya ciidanka Sudan iyo Xoogagga Gurmakda Degdega ah, iyadoo ciidanku isku dayayo inay galaan magaalada Wad Madani oo ay gacanta ku hayaan xoogagga RSF.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed