Dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidanka Sudan iyo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee loo yaqaan RSF ayaa ayaa ka sii socda maalintii labaad oo xiriir ah, magaalada Al-Jili, oo ku taalla waqooyiga Khartuum, iyadoo lagu loolamayo gacan ku hayna aagga Saliidda Al-Jili.
Goobjoogeyaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu ee Turkiga in daruuro qiiq madow ah oo ka dhashay rasaasta iyo madaagfiicda la is waydaarsanayao ay daboolleen qaybo badan oo hawada magaalada caasimada ah ee Khartuum.
Arbacadii, ciidanku waxay weerar baaxad leh ku qaadeen deegaanada waqooyiga magaalada Bahri, iyagoo la wareegay magaalada Al-Jili iyo deegaanada Al-Kabashi iyo Al-Saqai, sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo warbaahinta maxalliga ah.
Suudaaniyiinta ayaa baraha bulshada ku faafiyay muuqaallo muujinaya ciidanka oo gacanta ku dhigay waddada laga galo magaalada Al-Jili, taas oo ah dhanka waqooyi ee gobolka Khartuum.
Dhinaceeda, Ciidanka RSF ayaa Arbacadii ku sheegay bayaan kooban inay iska caabiyeen weerar ay ciidanku ku qaadeen goobta saliidda sifeynta ee Al-Jili.
Goobta shidaalkan lagu sifeeyo waa tan ugu weyn dalka, waxaana la dhisay sagaashameeyadii qarnigii la soo dhaafay. Waxay ku taallaa waqooyiga magaalada Bahri, waxaana la wareegay ciidamada RSF tan iyo markii dagaalladu qarxeen bartamihii Abriil 2023.
HBN ONLINE TV