Maamulka Jubaland ayaa sheegay in si bareer ah duullaan qaawan loogu hayo deegaannada maamulkooda, kuwaa oo ay ku hawlan tahay sida hadalka u dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in masuuliyiin ku sii jeeday deegaanka Kulbiyoow ee hoostaga Degmada Badhaadhe ay dhexda u galeen sida warka loo yiri taliyihii hore ee cidanka Daraawishta Jubaland ee deegaanka Kulbiyoow iyo ciidan uu watay.
Dagaalka ka dhacay deegaanka Kulbiyoow ayaa Jubbaland ku sheegtay in uu sababay dhimashada 5 askari oo ka mid ahaa ilaalada Guddoomiyaha degmada Xasan Nuur Cabdi (Gaaljeceloow), halka dhaawac u soo gaaray askar kale oo ka tirsan ciidanka ilaalo u ahaa.
Jubaland ayaa tacsi u dirtay ehellada iyo qoysaska ciidamada ku naf waayay dagaalkan oo ay ku tilmaantay “weerar”.
“Dowladda Jubaland waxay si cad u xaqijinaysa in ay ka go’an tahay ilaalinta amniga deegaannada Jubaland. Waxayna ku hawlantahay sidii sharciga loo marsiin lahaa dhamaan xubnaha ku lugta lahaa falkaas foosha xun ee lagu qaaday wafdiga Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe” ayaa lagu yiri bayaanka lagu daabacay bogga madaxtooyada Jubbaland.
Maamulka ayaa ku goodiyey inay u taagan yihiin in ay ka jawaabaan weerar kasta oo lagu wiiqayo sida hadalka loo dhigay horumarka iyo dowladimada shacaba Jubaland, iyada oo shacabka ay ugu baaqday in ay u midoobaan difaaca hanaanka dowladimo iyo nabadgelyada guud ee deegaankooda.
HBN ONLINE TV