Dagaal Culus oo Dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo As Gobolka Jubbada Hoose

Weerar ku bilaawday qaraxyo ayey Xubno ka tirsan Al-shabaab waxay ku qaadeen deegaanno ka tirsan Jubaland waxaa halkaasi ka dhacay dagaaallo xooggan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Deegaanka Lagu Magacaabo Sanguuni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayuu ka dhacay dagaalku kadib markii Al-shabaab weerar cululs ay ku qaadeen Saldhigo Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku la haayeen halkaasi.

Khasaaro kala duwan ayaa ka soo baxay in labada dhibac ay is gaarsiiyeen, Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda weerarkaan ayaa baraha xiriirka bulshada ku daabacday in ay gubeen gaadiid dagaal sidoo kalana khasaaro gaarsiiyeen Ciidanka dowladda Soomaaliya.

majiro wax war ah oo ka soo baxaya Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku aadan dagaalka Saakay ka dhacay Deegaanka Samguuni  ee Jubada Hoose.

HBN NEWS DESK

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed