Dagaal sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo u dhexeeya laba maleeshiyo Beeleed ayaa ka socda degaano ka tirsan gobolka Galgaduud, kaasi oo soo bilowday xalay.
Khasaaraha inta og yahay waxaa ku dhintay 4 ruux oo uu jiro Cabdiweli Daahir oo ka mid ahaa dadka waan waanta dagaalka wax ka waday.
Sida aan xogta ku heleyno dagaalka ayaa ka dambeeyey, ka dib markii dad reer guuraa ah ay dhul isku qab sadeen, waxaana jira khasaare soo gaaray dhinacyada Maleeshiyaadka dagaalamaya.
Dagaalkan soo bilowday xalay xiligii dambe ayaa wali ka socda deegaanka Bidhaan dheere oo u dhaxeeya magaaladda Dhuusamareeb iyo degmadda Gadoon ee gobolka Galgaduud.
Xiisadda saakay ka taagan Bidhaan dheere ayaa ay ku soo aadaysa, iyada oo inta badan deegaano Gobolka Galgaduud ka tirsan ay jirto Colaad beeleedyo u dhaxeeya qaar ka mid ah qaa’iilada dega gobolka, mana jiro ilaa hadda cid kala dhex gashay Maleeshiyaadka dagaalamaya.
HBN ONLINE TV