dadkii ku lugta lahaa hubkii dhawaan dalka soo galay oo lagu dhawaaqday in maxkamad la soo taago

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka maanta ayaa waxyaabihii looga hadlay waxaa ka mid ah dhacdadii hubka sharci darada ahaa ee sida dhumaaleysiga ah lagu soo galiyey deegaanno ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug.
Intii uu socday shirka, waxaa warbixinno laga dhageystay hay’adaha amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo soo bandhigay dhacdadan, iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadan hoos ku xusan.
1. Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo horey ugu soo baxday (Digreeto Madaxweyne.142) ay sii waddo isla markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.
2. Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray in ay soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.
3. Goluhu wuxuu isku raacay dhammeystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiirrada.
4. Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.
5. Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha fulinta sharciga waxaa lagu adkeeyey in si degdeg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawshan sharci-darrada ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu  adkeynayo muhiimadda ay leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda Xakameynta Hubka iyo Rasaasta.
HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed