Dad isku qoys oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Nugaal

Shil sababay dhimashada dad isku qoys ah ayaa la soo warinayaa in uu ka dhacay qaybo ka mid ah deegaan ka tirsan gobolka Nugaal ee maamul goboleedka Puntland.

Waxaa la sheegay in shilka oo ka dhashay ka dib markii gaari kuwa Qaadwadaha loo yaqaan uu si lama filaan ah u jiiray bajaaj ay saarnaayeen dad isku qoys ahaa, waxaana uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Laacdheere ee gobolka Nugaal.

Shilka ayaa sababay in ay ku dhintaan Wiil iyo hooyadiis, halka uu 2 kale oo isla qoyskaas ahna ay ku dhaawacmeen, iyada oo gurmad degdeg ah loo fidiyey dadka dhaawaca ah.

Shilalka ka dhacay deegaannada Puntland lixdii bil ee la soo dhaafay oo gaaray 800 ayaa lagu sheegay in ay ku geeriyooday dad gaaraya 45 qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 100 kale sida bayaan ka soo baxay maamulka lagu sheegay 26-kii bishii hore ee Agoosto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed