Dacwad Xasaanad ka xuyuubin ah oo Xildhibaan Maxamed Abiib lag gudbiyey

Xafiiska xeer ilaaliyaha Somaliland ayaa Dacwad kasoo Gudbiyey saddex Xildhibaan Oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland kuwaasi oo laga soortay Gobolada Awdal saaxil iyo Saraar .

Si gaar ah waxa xafiiska xeer ilaalintu Dacwadiisa usoo gudbiyey xildhibaan Maxamed abiib yuusuf oo laga soo doortay Gobolka Awdal iyadoo Dacwadiisa loo Gudbiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha wakiilada somaliland isla markaana waxa guddida laga Codsaday in ay Ugudbiso Gola weynaha si cod loogu waado Kiiskaasi lagu soo oogey isla markaana Xasaanada Xildhibaanimo looga qaado.

Cali Xaamud Jibriil gudoomiye ku xigeenka labbaad ee golaha wakiilada Somaliland oo maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa  sheegay in waxyaabaha lagu eedeeynayo ay ka mid yihiin in madax ka socota Safaaradda Soomaaliya uu kula kulmay wadanka Jabuuti, waxaana uu ku hanjabay in uu deg deg u fadhiisin doono mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland si uu xilka uga qaado gudoomiye faratoon,
Cali Xaamud ayaa gudoomiye Faratoon ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo sidii xasaanada looga qaadi lahaa xildhibaan Maxamed Abiib oo uu sheegay in wax aan munaasaba aheyn.

 

Waxaa Xildhibaanka dacwadiisa Qoraal kooban ka qorey Xildhibaan Axmed Khaliif kaasi oo sheegay in Maamuus ka xayuubinta Xildhibaanka ay ka dhawdahay in Xilka laga qaado Madaxweynaha somaliland.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed