Dab xooggan ayaa ka kacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan Cabdalla-Shideeye, waxaana dabkaasi uu burburiyay dhismayaal. Waxaa socda dadaalo lagu daminayo dabkaasi, sida ay wararku sheegayaan. Ma cadda waxa sababay dabka
Kooxaha gurmadka ayaa ku howlan daminta dabka, si uusan ugu faafin dhismayaasha ku dhow dhow, isla markaana la xakameeyo khasaaraha ka dhashay, waxaana la xiray goobta uu dabku ka kacay, si looga hortago khasaare kale.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federalka Somaliya, ayaa joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee xaafadaha ku dhow dhow dhismooyinka uu dabka ka kacay, si loo ilaaliyo hantida kale, looguna fududeeyo daminta dabka.
Suuqa Bakaaraha oo ah xarunta dhaqaalaha ee magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka kacay dab xooggan, iyadoo ganacsatada ay dareemeen burbur hantiyeed oo soo gaaray.
Kumanaan qof oo reer Muqdisho ah ayaa ku tiirsan dhaq dhaqaaqa ganacsi ee suuqa Bakaaraha.
Qaar ka mid ah ganacsatadii lahayd goobaha gubtay ayaa ku sugan goobta uu dabku ka kacay, waxaana laga dhursugayaa natiijada ka soo baxda iyo inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay, iyadoo ciidamada dabdemiskana ay wadaan wax kasta oo lagu damin karo dabkaasi.
HBN NEWS DESK