Daadad iyo duufaano dhaliyay khasaaro baaxad leh oo ku dhuftay dalka Jabuuti

Wararka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in roobab duufaano iyo daadad wato ay ku dhufteen dalkaas kuwaas oo sababay khasaaro baaxad leh, daadadka ayaa sameeyay dadka, dhismooyinka, waddooyinka iyo gaadiidka kuwaas oo geystay bubur culus. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in daadadku ay qaadeen dhowr qof isla markaana ay ku dhinteen.

Muuqalada lagu baahiyay warbaahinta bulshada ayaa muujinaya ciidamada badbaadada oo samatabixinaya dad ay qaadeen daadadka, kuwaas oo adeegsanaya diyaardaha loo yaqaan Helicopters-ka, taasoo muujineysa dhibaatada xooggan ee ka dhalatay roobabka wata duufaanta.

Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dashay dadaadka iyo roobabka dalka Jabuuti, sidoo kale weli wax war ah kama soo bixin dhanka dowladda ee ku aaddan faah faahinta la xiriirta dadka ku dhintay iyo khasaaraha guud.

Si kastaba arrintaan ayaa sameeyn xooggan ku yeelatay dad dalka Jabuuri, waxana xirmay goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka gaadiidka iyo dad weynaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed