Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisley ayaa howlgallo ka dhan ah Alshababa ka sameeyay Magaalada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Howlalka inta uu scoday ayaa Ciidamadu beegsadeen fariisimaha kooxda ay gobolka, iyaga oo sheegtay inay burburiyeen saldhigyo Alshabaab laheyd.
Saraakiisha ciidamadaan iskaashanaya ee Federaalka iyo kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda Galmudug ayaa ayaa soo bandhigtay sawirro ay ka soo qaaday goobaha ay howlgallada ka fuliyeen ee Magaalada Bacaadweyne Koonfurta Gobolka Mudug.
Waxaa sii xooggeystay howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda Koonfurta Gobolka Mudug, ka dib markii ciidamo dheeraad ah ay geysay aaggaasi Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidankii ka horreeyay.
HBN ONLINE TV