Taliska Afraad ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa maanta xaqiijiyay in ciidamada badda ay howlgal baaritaan ah ka fuliyeen xeebta Laasqoray, ka dib markii ay ka heleen qaylo-dhaan uga timid dadka deegaanka.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay ciidamada soo saareen, howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay kalluumaysi sharci darro ah iyo xaalufin badeed oo lagu eedeeyay in laga wado xeebaha gobolka Sanaag.
Ciidanku waxa uu sheegay in ujeeddada hawlgalku ahayd “in la hubiyo doonyaha sharci darrada ku kalluumaysanaya”, ayna fuliyeen baaritaanno si ay u sugaan ilaalinta khayraadka badda iyo daryeelka deegaanka xeebaha Somaliland.
“Kadib cabasho iyo qaylo-dhaan ka timid dadka deegaanka jiida laas-qoray iyo ciidanka saldhiga afraad(4) ee laas-qoray ee ciidanka ilaalada xeebaha somaliland cabashadaas oo ku saabsanayd kaluumaysi sharcidaro ah iyo xaalufin badeed ciidanku waxay sameeyeen kormeer ay ku hubinayaan doonyaha bada ku jira ee sida sharcidarada ah u kaluumaysanaaya, taas oo ka mid ah waajibaadka ciidanka ilaalada xeebaha somaliland” ayaa lagu yiri bogga facebook ee ciidamada.
War-saxaafadeedka laguma xusin wax khasaare ah oo dhacay intii hawlgalku socday, balse shacabka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen rasaas iyo in lala wareegay doonyo kalluumaysi. Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu ilaalinayo biyaha Somaliland, ayna diyaar u yihiin in ay ka jawaabaan cabasho kasta oo ku saabsan xaalufka khayraadka badda.
Goor sii horeysay fal u muuqday inuu midkaan jawaab u yahay ayaa ka dhacay xeebaha magaalada Baargaal ee waqooyibari ee gobolka Bari, halkaasi oo iyane lagula wareegay laba doon oo nuuca ganacsiga ah. Lama soo warin in doonyahaasi wadeen shixnad iyo inkale. dhanka Puntland wax war ah kama soo saarin dhacdadaasi.
Isha ku haay HBN ONLINE TV