Ciidan La wareegay Bar Koontarool oo Ku Taal Garowe.

Ciidan ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa la wareegay koontarool ku yaal magaalada Garowe, kuwaas oo gabi ahaanba xiray waddada, waxana istaagay isku socodka gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.

Koontaroolka ay Ciidanku xirteen ayaa ku yaal bariga magaalada Garowe waana mid kamid ah kuwa ugu waa weyn magaalada, waxana ka baxo kana soo gala dhammaan gadiidka, ilaa iyo hadda wax xal ah lagama gaarin Ciidankaaa gadoodsan oo ka cabanaya mushaar la’aanta.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Ciidan ka cabanaya mushaar la’aan ay xirteen koortarool  Koontarool kuyaal magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed