Ciidamo la sheegay in ay ka soo goosteen furimaha dagaalka gobolka Galgaduud oo dad shacab ah ku dilauy Hiiraan kuwa kalana dhaawacay

Wararka ka imaanayo Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in deegaan hoos yimaado degmadaas lagu dilay dad shacab ah halka kuwa kalena ay dhaawacmeen loona qaaday goobaha caafimaadka oo lagu dabiibayo.

Ilo wadreedyo kala duwan ayaa sheegaya  inCiidamo ka tirsan Kuwa dowlada Soomaaliya Gaar ahaan Gorgor oo xeryahooda kasoo goostay kana yimid gobolka Galgaduud, ay labo qof oo shacab ah  ku dileeyn Wadada isku xirta Maxaas iyo Moqokori Sidoo kale waxaa ay dhaawaceyn dad shacab ah.

Dadka la dilay ayaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Maxamuud Xasan iyo Carabow Cabdulle, Intaasi kadib Ciidamada dhibaatadan geeystay ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo gacanta lagu dhigay.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo lagu soo wargaliyay in Ciidamada dadka dilay ay marayaan Degmada Moqokori ayaa ku guuleeystay in ay gacanta ku dhigaan labo gaari oo ay saarnaayeen Ciidamadan oo lagu qiyaasay Tiradooda 10 Askari.

Ehelada dadka la dilay iyo ciidamada degaanka ayaa buux dhaafiyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana Maanta Halkaasi ka taagan xiisad Culus sida ay dadka deegaanka ku warrameen.

Majiro ilaa wax war ah oo ka soo baxay taliska sare ee ciidamada xoogga Soomaaliya, oo ay kaga jawabaayaan dilalkaan ay geysteen ciidanka la sheegay in ay ka soo goosteen furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed