Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar u soo xiray qaar ka mid ah ciidamada booliiska gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ah ciidanka xasillinta caasimadda, kuwaa oo kaalin ka qaada doona xasilinta magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasillinta caasimadda ayaa waxa uu Wasiirku ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda.
Munaasabadda ciidanka tababarka loogu soo xirayey ayaa waxaa Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ku weheliyey Taliye ku xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Maxamed Cabdullaahi Kaniif iyo saraakiil ciidan oo kale.
Saraakiisha Ciidamadan maanta tababarka loo soo xiray ee sida gaar ah u tababaran ayaa sheegay in loogu tala galay in ay qeyb ka qaataan xoojinta ammaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee laga sameeyo Muqdisho iyo duleedkeeda.
HBN ONLINE TV