Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee deegaannada Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa in howlgalo ka deegaan lagu magacaabo Qaydar Cadde oo 30-KM u jira magaalada Xudur.
Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada guutada 9aad ee qaybta 60-aad Xoogga dalka ay howlgallo ka fuliyeen deegaanka oo xarunta Gobolka Bakool uga beegan yahay dhanka Waqooyi Galbeed, halka inta uu howlgalkan socday uu dhacay iska hor imaad kooban sida ay sheegeen ilo kala duwan oo deegaanka ah.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa soo qabtay sida hadalka u dhigeen dad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin Alshabaab, kuwaas oo la sheegay in ay geeyeen mid ka mid ah xarumahooda si ay baaritaanno dheeraad ah ugu sameeyaan.
War kooban oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in goobta la weeraray ay ahayd xero Alshabab ay ku tababaranaysay balse goobtaan haatan ay saldhig ka dhigteen Ciidamada Xoogga Dalka.
HBN ONLINE TV