Ciidamada Milatariga Soomaaliya & kuwa deegaanka oo weerar ba’an ku qaaday saldhigyada Al shabaab ee gobolka Galgaduud isla markaana guula ka sheegtay & xiisad taagan

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa weerar qorsheysan ku qaaday fariisimo ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen dhulka howdka ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Galcad iyo Masagawaa ee gobolka Galgaduud. Ujeedka howlgalka ayaa lagu sheegay in Al-shabaab looga saarayo deegaanka, sida ay ku warrameen ilo wardeeyo rasmi ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgalka uu ahaa mid lagu guuleystay, waxaana ciidamada xoogga dalka ay u suuragashay in ay gudaha u galaan oo ay la dagaalamaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugnaa goobihii lagu bartilmaameedsaday. Dagaalka ayaa ahaa mid aad u xooggan, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, intii uu dagaalka socday.

Inkastoo ciidamada milateriga Soomaaliya ay guulo ka sheegteen howlgallada, haddana Al-shabaab ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay howlgalkan.

Aamusnaanta kooxda ayaa lagu sheegay  dib u dhac ama khasaare suurtagal ah, maadaama ay inta badan sheegtaan mas’uuliyadda weerarrada iyo hawlgallada guuleysta.

Wararka ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo  laga dareemayo gobolkaasi, iyadoo ciidamada xoogga dalka ay sii xoojiyeen guulaha ay gaarayaan, isla markaana ay ka ilaalinayaan weeraro rogaal celis ah oo kaga yimaada Al-Shabaab.

Iyadoo xaaladdu ay sii socoto, beesha caalamka ayaa weli isha ku haysa, iyadoo rajeynaysa in xal nabadeed oo xasilloon laga gaaro Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed