Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo ka baxay qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidamada ee nabad ilaalilnta midowga Afrika ATMIS ayaa ka baxay saldhga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah wejiga Saddexaad ee socda.

Munaasabadda ka dhacday saldhiga ciidamada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa taliska ciidamada ATMIS ku wareejiyeen ciidamada XDS saldhigga, isaga oo noqonaya kii lixaad ee lagu wareejiyo ciidamada XDS, waxaana taliska lagu wareejiyey ay sheegeen in masuuliyadda kala wareegeen ATMIS.

Ciidamada ka baxay saldhigan Maxaa ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in ay yihiin kuwa Itoobiya ee ka tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika e ATMIS.

Saraakiisha ATMIS ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay u leedahay taageeridda Qorshaha Kala guurka ee Soomaaliya ee geeddi socodka nabadaynta dalka.

Sida oo kale, Ciidamada ATMIS ayaa ku wareejiyey Xoogga Dalka qalab ay ku jiraan matooro koronto dhaliyeyaasha, ceelasha riigga ah, iyo qalab kale, si loo fududeeyo taiilaadka xerada iyo taageerada Ciidamada qaranka Soomaaliya.

Qorshaha kala guurka ATMIS ayaa ku eg sanadkaan 2024 sida uu dhigayo sharciga, waxaana la filayaa in inta dhiman bilaha soo aadan ku baxi doonaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed