Howlgallo ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada badda Puntland ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan qof looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana ay gacanta ku soo qabteen bambooyinka gacanta laga tuuro oo lala xiriirinayo qaraxyo xooggan oo dhawaanahan ka dhacayay gudaha magaalada Boosaaso.
Talaabadan ay qaadeen ciidamada ammaanka ayaa ah tilaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso iyadoo ay wali socdaan hanjabaadaha uga imaanaya kooxaha argagixisada ah.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday shaqsiyaad lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Qaraxyada iyo gaadiidka la qabtay ayaa la sheegay in la doonayay in lagu fuliyo weeraro ka dhan ah magaalada Boosaaso.
Kooxahan ayaa la sheegaa inay saldhigyo qarsoodi ah ku leeyihiin buuraha gobolka Bari, kuwaas oo geysta falal ka dhan ah ammaanka iyo xasilloonida deegaanka, dagaalna kula jiro ciidamada ammaanka Puntland.
Laamaha amaanka ayaa si weyn ugu howlan sidii ay uga hortagi lahaayeen falalka ay maleegayaan kooxaha. Agabka iyo shaqsiyaadka la soo qabtay ayaa waxaa ku socda baaritaano, waxaana la filayaa in faah faahin dheeri ah laga bixiyo howlgalka.
Ku guuleysiga ka-hortagga walxaha qarxa iyo soo qabashada qof looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa falal argagixisanimo ayaa ah tillaabooyin muhiim ah oo looga hortagayo weerarrada mustaqbalka iyo xaqiijinta amniga shacabka Boosaaso iyo guud ahaan gobolka, sida ay sheegeen laamaha ammaanka maamulkaas.
HBN NEWS DESK