Ciidamada Kenya oo dilay xubno ka tirsan Al shabaab sidoo kalana ka furtay hub kala duwan

Ugu yaraan laba ka tirsan  Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ciidamada milatariga kenya ay  ka fuliyeen deegaanka Bodhei ee gobolka Lamu.
Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay soo furteen saddex qori oo AK47 ah, in ka badan 300 oo rasaas ah, iyo  qoryaha loo yaqaan RPG.

Saraakiisha ayaa rumeysan in dagaalyahannadu ay qorsheynayeen weerar ay ka geystaan ​​deegaanka. Howlgallo ballaaran ayaa ka socda gobolka, kuwaas oo looga hortagayo weeraro la xiriira Al-Shabaab, ay ka geystaan meelo kale oo ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

“Argagixisada ayaa weerar ku qaaday deegaano ku dhow xadka Kenya, waxaana ay u adeegsadeen qoryo iyo walxaha qarxa, halkaasi oo ay ku dileen tobanaan qof, tiro badana ay ku dhaawacmeen” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hey’addaha ammaanka.

Weeraradii ugu dambeeyay ayaa dowladda ku qasbay in ay hakiso qorshaha lagu furayo xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Kooxo kala duwan oo ka kala socda Hay’ado kala duwan ayaa howlgalo balaaran waxa ay ka wadaan deegaanada ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya iyaga oo mararka qaar weeraro ka geysta halkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay fashiliyeen dhowr iyo toban weerar oo qorsheysan oo ay argagixisadu maleegayeen, ayna ka heleen agab kala duwan.

 

Muddooyinkii dambe Al shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fulineysay xadka labada dal, oo dhaliyay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac, taas oo keentay ciidamo badan oo Keenyaati ah lagu soo daadiyo xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed