Ugu yaraan 23 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalo qorsheysan oo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah kaasoo ay ka fuliyeen bartamaha Soomaaliya, sida ay sheeegtay dowladda Soomaaliya.
Ciidamadan isku dhafka ah ayaa si gaar ah ula beegsaday deegaano ay ka mid yihiin Cali-Yabaal, Qalan Qal, Sumadaale, kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan degmada Ceel-dheere ee gobolka Galgaduud.
War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalkan, waxaana la sheegay in uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, laguna dilay dagaalyahanno badan oo ka tirsan Al-Shabaab.
Dowladda ayaa shaacisay in xubnaha lagu dilay weerarkan ay isugu jireen Taliyayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka uu howlgalka ka dhacay.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada ay la wareegeen gacan ku heynta goobihii howlgalka laga sameeyay, waxaana la burburiyay saldhigyadii ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana weli deegaankaasi ka socda dhaq dhaqaaqyo amni oo lagu sugayo ammaanka degmada Cee-ldheer ee gobolka Galgaduud.
Gobollada dhexe ee dalka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socday howlgalo xooggan oo ay iska kaashanayaan ciidamada, kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah.
Bishii Agoosto 2022, ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan dagaalyahannada maxalliga ah, ayaa bilaabay howlgal militari oo horseeday in kooxda Al shabaab ay kala wareegaan qaybo ka mid ah gobollada dhexe ee Soomaaliya.
HBN NEWS DESK