Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howgal ka dhan Alshabaab ka fuliyey deegaano ka tirsan degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay.
Howlgalka oo ay fuliyeen Ciidamada Daraawiishta degmada Buur-hakaba ee ka tirsan xoogga Dalka si gaar ah u bartilamaameedsaday fariisimo ay kooxda Alshabaab ku lahayaeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25-km u jira Buur-hakaba.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, Sandheere Xasan Aadan oo howlgalka hoggaaminaya ayaa Warbaahinta u sheegay in khasaare xooggan la gaarsiiyay kooxda Alshabaab.
Sida oo kale waxaa ay saraakiisha hugaaminaya ciidamada sheegeen in Howlgalka uu weli socdo, k dibna ay gadaal faah faahin dheeraad ah ka bixi doonaan.
HBN ONLINE TV