Ciidamada dowladda & kuwa deegaanka oo oo howlgallo culus ka sameyay Shabeelada Dhexe gacanta ku dhigay deegaanno istaraatiji ah

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ayaa soo abaabulay howlgalo lagu sheegay kuwa guuleystay oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Ruunirgood ee dowlad goboleedka Hirshabeelle kadib markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay sameyeen sifeyn culus aagga Ruunirgood ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba la wareegeen deegaanno  ku yaalla meel istiraatiiji ah oo xadka gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ay sii wadayaan weeraradan taniyo inta maleeshiyaadka Al shabaab ay kala wareegayaan deegannada ay gacanta ku hayaan in ka badan 10 sano.

Xoreynta deegaanka Ruunirgood iyo deegaannada ku xeeran ayaa muhiimad gaar ah u leh ciidamada dowladda, waxayna dhabar jab ku tahay dagaalyahannada Al-Shabaab, maadaama ay kooxdaasi ka soo abaabuli jireen howlgallada inta u dhaxeysa gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed