Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaantay in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalo adag oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kadib howlgalo abaabulan oo ay ciidamadu sameeyeen.
War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanka Nuur-Gare oo ku dhow Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan.
Balse faah faahin dheerad oo ku aaddan magacayada & tirada xubnahaas lama sheegin, iyada oo gobolkaas ay ka dhacaan dagaal culus oo dhexmara Ciidamada huwanta ah & Maleeshiyaadka Al shabaab.
Wararka ka imaanaya dhanka dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegaya shalay in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 20 gaari oo laga qaatay lacago madax furasho ah. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay dhowr xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada adag ee ka socda gobollada dalka, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay dadka deegaanka iyo shacabka. Laamaha ammaanka oo safka hore kaga jira howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Wada shaqeyn naadir ah oo dhexmarta ciidamada dowladda federaalka, saaxiibada caalamiga ah iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda ayaa gacan ka geystay in laga soo saaro guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray dagaalyahannada Al-Shabaab oo dhowr goobood oo muhiim ah laga saaray kooxda.
HBN NEWS DESK