Wararka ka imaanay gobolka Hiiraan ayaa ku soo waramaya in howlgal saacadihii ugu dambeyey ay Ciiidamada deegaanka ee Macwisleyda sameeyeen kula wareegeen deegaanno muhiim ah oo kooxda Alshabaab fariis u ahaa.
Howlgalkan sida gaar ah ay u fuliyeen ciidamada deegaanka oo kaliya ayaa waxaa la sheegay in deegaannda laga fuliyey oo gaaraya lix deegaan ay hoos tagaan degmada halgan ee gobolka Hiiraan, iyaga oo tilmaamay in ay ku guuleysteen in dhamaan ay la wareegaan fariisimihii kooxda ku sugneyd.
Saraakiisha ciidamada deegaanka ee huggaaminaya howlgalkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sii wadi doonaan ilaa deegaannada kale ee gobolka ee gacanta Alshabaab ku jira ay ka saaari doonaan, sida halka ay u dhigeen.
“Ninkasta oo meeshaan degan oo ciidanka deegaanka ah in uu difaaca soo taabto isagaa laga rabaa, ninkaan soo taabaan ciidanka waa qiyaamay” ayuu yiri mid ka mid ah ragga u hadlay ciidamada deegaanka.
Sida oo kale Ciidamada kale ee deegaanka ayaa carrabka ku adkeeyey in ay ka go’antahay sii waditaanka howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee deegaannada gobolka Hiiraan.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in weerarada lagu qaadayo fariisimaha Alshabaab ee gobolka Hiiraan la xoojiyey, kuwaa oo si joogta ah ay u fuliyaan Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka oo garab siinaya.
HBN ONLINE TV