Ciidamada Booliska Puntland oo soo qabtay xubin dil xukunnaa oo baxsad ahaa

Ciidamda Booliska maamulka Puntland ayaa manta gacanta ku soo dhiagay mid ka mid ahaa 3 nin oo baxsad ka ahaa, kuwaa xili habeen ah ka fakaday xabsi ku yaal gaalkcayo oo si aad ah loo ilaaliyo.

Booliska Puntland ayaa sheegay in ay soo qabteen Cabdiraxmaan Awal Maxamed oo kamid ahaa 3 maxbuus oo maqane ka ahaa, kuwaa oo ku eedeysnaa dilal horay uga dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ku jiraan dad masuuliyiin ahaa.

 

Taliye Kuxigeenka Qeybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) ayaa ku wareejiyay Xabsiga weyn ee Magalada Galkacyo, iyada oo Puntland raad joogto laba xubnood oo kale oo maqane ah.

Laamaha Amniga Puntland ayaa shacabka deegaanadooda ka dalbatay in ay gacan ka siiyaan helitaanka xogtooda labada kale ee xubnood ee maqana ah.

17-kii bishaan agaasto, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee maamulka Puntland ayaa dil toogasho ah ku fulisay 10 xubnood oo ku eedeysanaa in ay dilal horay uga geysteen Gaalkacyo, waxaana ku jiray, Barkhad Cawil Xirsi oo 10-kii bishaan isaga oo baxsad ahaa la soo qabtay, kaasi oo ku jiray afar rag oo Bishan 5-teedii xali habeen ahaa xabsiga gaalkacyo ka baxsaday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed