Ciidamada Booliska Gaalkacyo oo soo bandhigay Kartoomo Maandooriye ah

Ciidadamada Booliska iyo kuwa Asluubta magaalada Gaalkacyo gobalka ee Mudug ayaa maanta howlgal ay si wada jir ah uga sameeyeen ku soo bandhigay kartoonno khamri ah oo ay soo qabteen.

Hawlgalka ayaa kartoonnada lagu soo bandhigay waxaa ahaayeen, kuwa ay ku jireen dhalooyin khamri oo gaaraya ilaa 500 oo dhalo, kuwaas oo la soo galiyay magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha Saldhigga Booliiska Gaalkacyo Gaashaanle Cali Xirsi Sahal oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka warbixiyay hawgalka ay sameeyeen ciidama Booliiska degmada Gaalkacyo, isaga oo sheegay in uu hawlgalka ahaa mid lagu baadigoobaayay maandooriyaha.

“Waxaan u mahad celineynaa shacabka iyo saraakiisha nala shaqeeyay, waxaa magaalada la soo giliyay khamriga intaa la’eg, gacanta ayaana ku soo dhignay, waxaan leeyahay ka waantooba, dhibaatadaanna nafiina uga cabsada bulshadana uga cabsada,” ayuu yiri Gaashaanle Cali Xersi Sahal.

Ugu dambeyn, Gaashaanle Cali Xirsi ayaa baaq u diray bulshada isaga oo uga digay in ay ka waantoobaan, sidoo kalane sheegay in haddii ay ka waan toobi waayaan ay ciqaab mudan doonaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed