Ciidamada ATMIS ee ka socda Ururka Midowga Afrika ayaa lagu eedeeyay in ay dil u geysteen dad shacab ah magaalada Buula Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida ilo-wareedyo kala u sheegeen HBN ONLINE TV oo ku sugan magaaladaasi.
Qaar ka mid ah ehelada dadka la dilay, madaxda Maamulka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in dhacdadan ay timid ka dib markii ciidamada ATMIS oo roondo ku jira ay ka shakiyeen rag deegaanka ah, ka dibna ay “dileen” laba ka mid aha, halka mid kale uu dhaawac uga fakaday, waxaana la sheegay in raggaan oo beeraley ahaa askartu “gawraceen”.
Bannaanbaxyo lagaga soo horjeeda dilkan ay gaysteen ciidamada ATMIS ayaa maanta ka dhacay magaalada, waxaana dadku ay aad uga “caraysan” yihiin dilkaasi oo ay ku sheegeen inuu yahay “dambi culus” oo ka dhan dad shacab ah.
Dadka deegaanka ayaa ka dalbaday in caddaaladda la horkeeno askartii ka dambeysay dilkan, waxaana ay ugu baaqeen ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo Dawlada Fedeeraalka Soomaaliya inay si deg deg ah jawaab uga bixiyaan falkan.
Eedeymaha la xiriira dilka dadka rayidka ah ee ay geysteen ciidamada ATMIS ayaan ahayn markii ugu horreysay, waxaana dhawr jeer hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ay u soo bandhigeen falal dil iyo tacadiyo kale ka mid yihiin oo ciidamada Midowga Afrika ka socda u geysteen dad shacab ah.
Xiriir email oo aynu la sameynay ciidamada ATMIS qaybtooda warbaahinta iyo saraakiisha sar sar ayay inoogu sheegeen in ay su’aalaheenna ku saabsan dilka ay inooga soo jawaabi doonaan, balse illaa iyo xilligan ma jirto wax jawaab ah oo arinaasi ay ka bixiyeen.
Dhinaca kale masuuliyiin ka tirsan dawlada Soomaaliya oo aynu wax ka waydiinay dilkan lagu eedeeyay ciidamada ATMIS aysan wali ka soo jawaabin dalabkeena ku aadan dhacdadan iyo waxa ay ka og yihiin iyo waxa ka jira intaba.
HBN ONLINE TV