Ciidamada ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay ruux ku eedeeysan falal la xariiro burcad badeednimo magaalada Garowe

Ciidamada Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo Maxamed Suufi oo lagu sheegay in uu kamid ahaa burcad badeedii  ka qeyb qaatay afduubka markabka MV Abdullah oo ka babanayay calanka dalka Bangladesh, kaasoo qaatay kaalin weyn . Suufi oo ka baxsanayay booliiska ayaa lagu xiray magaalada Garoowe oo uu ku dhuumaaleysanayay.

Markabka MV Abdullah ayaa la afduubay bishii March ee sanadkan xilli uu ka soo shiraacday Mozambique kuna sii jeeday dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Markabka iyo shaqaalihii la socday oo gaarayay 23 qof ayaa lagu heystay lacag madax furasho ah, kuwaas oo dalbaday 5 milyan oo dollar si loo sii daayo.

Bartamihii bishii April, kadib markii la bixiyay lacagta madaxfurashada ah, burcad badeeda ayaa sii daayay markabka iyo shaqaalihii la socday.

Sida laga soo xigtay booliska Puntland, Suufi ayaa door muhiim ah ka qaatay afduubka iyo wada xaajoodyadii madax furashada. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa afduubkii hore oo la qorsheyay.

.

“Suufi  waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu muhiimsanaa howlgalkii burcadbadeeda ee ka dhanka ahaa MV Abdullah,” ayuu yiri afhayeenka booliiska” Waxa uu si toos ah ugu lug lahaa qabashada markabka iyo maaraynta lacagta madaxfurashada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xarigan oo lagu guuleystay ayaa ka dambeeyay kadib howlgal xoog leh oo ciidamada booliska ay ku baadigoobayeen gudaha magaalada Garawe. Maamulka ayaa xarigaasi ku tilmaamay tallaabo wax ku ool ah oo lagula dagaalamayo burcad badeeda Soomaalida.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed