Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah oo shir jara’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda Soomaaliya, isla markaana si kulul u dhaliilay, kaasoo carabka ku dhuftay in ay gabeen howlihii loo idmaday sida uu hadalka u dhigay’e.
C\Shakuur ayaa ku dooday in kulamo kala duwan uu la yeeshay bulshada uu ku ogaaday in ay ka siman yihiin tabashooyinka iyo walaaca ay ka qabaan xaaladda dalka, wuxuu xoosta ka xariiqay in madaxda dalka ay safaro tiro-beel ah ay ka bixi la’yihiin, sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay musuq maasuq baahsan oo ka jira hey’adaha dowladda iyo in uu istaagay dagaalkii Al shababa, sida uu ku sheegay shirkiisa.
Warsame ayaa madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ku tilmaamay in ay ku hishiiyiin in doorasho la’aan la joogi karo dalka., marka laga reebo maamulka Puntalnd, sida uu hadalka u dhigay, waxaa uu intaas raaciyay in Guddoonkii labada Gole ay jeebka u galeen Madaxtooyada isla markaana baarlamaankii uu Micno beelay.
Dhanka kale gunnaanadkii, Xildhibaan Cabdiraxmaan C\shakuur ayaa u soo jeediyay madaxweynaha in uu badbaadiyo dalka iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed, isla markaana uu dhiso xukumad tayo leh, iskana dhaafo wax ku sheegay dhalanteedka, uuna ogolaado in maamulka goboleedyada ay galaan doorashada, dalkana aanan la joogi karin sharci la’aan.
HBN NEWS DESK