Boqolaal qoys ayaa ka barakacay deegaannada Badaweyne, Caad Camaara Shabeelow iyo deegaano kale kaddib markii deegaannadaas ay dhawaan dib ula wareegeen kooxda Al-shabaab, sida ay wararku sheegayaan.
Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa billaabay in ay ka baxaan deegaannadaas March 10, 2024, taasoo keentay in ay barakacaan dad badan oo ka baqaya weeraro aargoosi ah oo uga yimaada kooxda.
Qoysaskan ayaa la sheegay inay u barakaceen Gaalkacyo, Mirjiley, Wisil, iyo Bajeela. Dadkan barakacayaasha ah ayaa u badnaa dad jilicsan oo ku noolaa deegaannadaas, kuwaasoo isugu jiray waayeel, caruur, haween, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaasoo safarro halis ah oo lug ah ku galay sidii ay ammaan iyo gabaad u heli lahaayeen.
Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha Galmudug oo u gurmaday Hay’adaha Samafalka ayaa tilmaamay in dadka dhibaatada ugu badan ay soo gaartay ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo meel kale ka soo raray Xoolahooda si ay u badbaadiyaan, sida Daaqa iyo Biyo ay xoolahooda u helaan.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ku dhawaad 25% haweenka barakacayaasha ah ay yihiin haween laga dhintay 6-dii bilood ee la soo dhaafay, taasi oo ay ugu wacan tahay howlgallada ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka ee xoreeyay deegaankaasi.
HBN NEWS DESK