Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey Shabakad ku eedeysan dilalka iyo sida loo soo qabtay

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in la soo qabtay afar xubnood oo ku eedeysan in dadka dilaan, kuwaa oo la tilmaamay in ay ahaayeen shabakad ka tirsanaa.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in howlgal laga sameeyey magaalada Muqdisho ayaa sheegay in afartan xubnood ay ahaayeen koox Alshabaab u qaabilsanaayeen sida hadalka u dhigay dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaa uu adkeeyey in Kaamirooyinka la xiri doono, isaga oo ku dooday in kaalin ay qaateen soo qabashada xubnaha falalka amniga liddiga ku ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed