Hay’daha amaanka mamaulka Puntland ayaa qabtay saaka xubin ka mid aha 4 nin dil sugayaal ahaa oo ka baxsaday xabsiga magaalada Gaalkacyo 5-tii bishaan, waxaana soo qabashadooda kaalin ka qaatay xog ay u soo gudbiyeen dad shacab ah.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa afar maxbuus oo ka fakaday xabsiga Gaalkacyo, kuwaas oo lagu xukumay dil kana tirsanaa shabakad Alshabab ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.
Sida oo kale ciidanka Booliska Puntland ayaa tilmaamay in la abaal mariyay muwaadinkii keentay xogta Barkhad Cawil Xirsi, balse laamaha amnigu ma sheegin halka lagu qabtay Barkhad.
Booliska ayaa mar kale ku celiyay in abaalmarin kale lagu bixi doono soo sheegista xogta Cabdiqani Saleeban Jaamac (Sayloor), Cabdullaahi Faysal Xusen (Abuu jonge) iyo Cabdiraxmaan Awal Maxamed, waxaana qofkii la wadaaga xogtooda iyo meel ay ku suganyihiin ay sheegeen uu abaal marin u helaayo lacag dhan 20,000 oo doolar iyada oo aan cidna ogaan xogtiisa gaarka ah.
HBN ONLINE TV